Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo gaaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha hoose

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Somaliya General Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid) ayaa gaaray deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha hoose oo Shabaab ciidamo ay ku laayeen.

General Cirfiid ayaa waxaa safarka ku wehlinaayay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Somaliya, kuwaasi oo ka raacay Magaalada Muqdisho.

Ujeedada socdaalka Taliyaha Xoogga uu ku tagay deegaanka Bariire ayaa la xiriira arrimo ku aadan u kuurgalka xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka Xoogga dalka Somaliya ee deegaanka Bariire.

Shabaab ayaa dhawaan deegaanka Bariire waxa ay ku laayeen Ciidamo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka Somaliya, kadib markii weerar qorsheysan halkaasi ay ku qaadeen.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Somaliya ayaa deegaanka Bariire wuxuu kula kulmay Saraakiisha Ciidamada oo uu ka dhageystay warbixin la xiriirta xaaladda Ciidanka.

Cirfiid ayaa Ciidamada ku dhiirageliyay inay dhawraan dadka shacabka islamarkaana ay ka feejignaadaan weeraro dhanka Shabaab kaga yimaado, wuxuuna ciidanka amray inay isku diyaariyaan qaadista hawlgalo ka dhan ah Ururka Al Shabaab.

Comments