Dabley hubaysan oo Degmada Wadajir ku dhaawacay Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka

Koox hubeysan ayaa saaka Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ku dhaawacay Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Dekadaha Soomaaliya. 

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cabdulaahi Sheekh Cumar oo loo yaqaano Israiil ayaa, waxaa soo gaaray dhaawac kaddib markii ay Rasaas ku fureen dhowr Qof oo Bastoolado watay. 

Ninkan oo ah Agaasimaha waaxda Shaqada ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Dekadaha ayaa markii uu weerarka la kulmay isna la soo baxay Bastoolad uu watay,waxaana ay Rasaas isku weydaarsadeen Xaafadda Aargada ee Degmada Wadajir raggii hubaysnaa. 

Raggii weerarka ku qaaday ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen waxaase uu mid ka mid ah ka reebtay Bastoolad uu weerarka uga qeyb qaadanayay. 

Dhaawaca Cabdullahi ayaa la sheegayaa in uu fudud yahay oo ay labada Xabadood ku dhacday,Saraakiisha amaanka ayaa sheegay inay wadaa hawlgalo baaritaano ah.

Comments