Madaxweyne Xaaf: Dowladda Somaliya Ciidan Militari iyo Nabad Suggid isoo qabta ayeey iisoo dirtay waana fashilmay qorshahaas

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa sheegay Dowladda Federalka Somaliya inay u soo dirtay ciidamo Militari iyo Nabad Suggid oo isku dayay inay soo qabtaan, isaga balse ay ku fashilmeen ciidankaasi sidauu yiri.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay isku dayga afgambiga ah ee lagu sameeyay inuu ka guulaystay, kadib markii Shacabka Galmudug ay muujiyeen isku duubni ku aadan inay isdifaacaan.

Wuxuu sheegay inay nasiibdaro tahay Dowladii Somaliya ee dalka la doonaayay inay ka hirgeliso nidaam Maamul inay isku dayeyso fulinta afgambi qorsheysan oo lagu carqaladeynaayo Maamul nidaam leh oo dhisan.

“Dowladda Federalka aad iyo aadbaan uga xumahay inaan meel damqana ma rabo Xoogaa meesha agteyda wixii ka dhacay, Militariga Iyo Nabad Suggida ayaa la iisoo diray oo soo qabta la yiri Inqilaab cusub, laakiin waa ka badbaaday cid kasta masuul haka ahaato hebelbaa masuul ka ah oran mayo, laakiin waxaa nasiibdaro ah waxyar oo dhisan in la dhaho Ciidankii Xoogga iyo Nabad Suggida soo qabta, aadbey u nasiibdaran tahay.” Ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Dowladda Federalka Somaliya ayaa wuxuu ugu baaqay inay ka shaqeyso nagaadshaha marxaladda Siyaasadeed ee dalka, loona baahan yahay kaalin muuqata inay ka qaadato oo aysan ku mashquulin arrimo kale.

Comments