Shabaab oo sheegtay weerar ka dhacay Magaalada Boosaaso inay ku dileen 7 askari

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, Kooxo hubaysan ayaa xalay fiidkii waxa ay weerareen Koontarool Ciidamada Puntland ay kaga sugan yihiin Magaalada Boosaaso.

Dableyda hubaysan ayaa weeraray Koontaroolka Ciidankaan ay joogeen waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarka.

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa la sheegay weerarkaasi inay ku dhinteen, sidoo kalena dhaawac uu soo gaaray ciidanka.

Inkastoo Masuuliyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada Puntland aysan ka hadlin weerarka ka dhacay Magaalada Boosaaso, ayaa haddana wararka madaxa Banaan waxa ay sheegayaa ugu yaraan saddex askari inay ku dhinteen weerarkaasi.

Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkaan ayaa sheegay inay dileen 7 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland.

Comments