Madaxweynaha Jubbaland oo caawa Kismaayo ka furay shirka Madaxda Maamul Goboleedyada

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa wuxuu caawa Magaalada Kismaayo ka furay shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Madaxweyne-yaasha Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Puntland, ayaa ku sugan xarunta uu shirka ka soconayo, waxaana iminka socota khudbadaha ay shirka ka jeedinayan Madaxda Maamulada.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, ayaa sheegay in shirkani uu yahay mid ay dani ugu jirto dadka Somaliyeed.

Madaxweynaha waxa uu ka dhawaajiyay in ujeedka shirkani laga leeyahay uu yahay in la isa saxo, lagana gudbo khilaafka soo kala dhexgalay Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka Somaliya.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inaanay walaac ka muujin shirkan, maadaama uu yoolkoodu yahay in wax uun lagu saxo.

Dowladda Federaalka Somaliya, ayaanan qayb ka ahayn shirka Madaxda Maamul Goboleedyada caawa uga furmay Magaalada Kismaayo.

Comments