Puntland oo Magaalada Boosaaso ku soo bandhigtay 17 nin oo dalka Iran u dhashay

Maamulka Puntland, ayaa maanta Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku soo dhigay 17 nin oo u dhashay dalka Iran, ka dib markii gacanta lagu soo dhigay, iyagoo si sharci-darro ahi uga kalluumeysanaya Xeebaha Somaliya.

Ciidamada Booliska Qaybta Ilaalada Xeebaha Puntland, ayaa waxay maalintii Jimcihii ku baxayn laba dooni oo dalka Iran laga leeyahay, xilli ay kalluumeysi u jooggeen Xeebaha Gobolka Bari, waxaana suurtagashay in hawlgalkaasi lagu soo qabto hal dooni, oo 18 nin ay la socdeen.

Hawlgalkaasi, ayaa waxaa ku dhintay naaquudihii doonida, iyadoo mid kalena uu ku dhaawacmay, sida uu xaqiijiyay Korneyl Maxamed Cabdi Xaashi, Taliyaha Ciidamada Dekeda Boosaaso.

Taliyaha wuxuu cadeeyay in doonida iyo shaqaalihii la socdayba shalay galab la keenay Magaalada Boosaaso, xilli doonida uu saaran yahay laba tan oo kalluun ah.

Taliyaha, ayaa intaa ku daray in maxaabiistaasi ay xabsiga u gudbinayan, illaa iyo inta cadaaladda laga horkeynayo, si sharciga loogu qaado falkii lagu soo qabtay.

Comments