Shabaab oo duleedka Degmada Waajid ku gowracay qof shacab ah

Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa nin shacab ah waxa ay ku gowraceen duleedka Degmada Waajid ee Gobolka Bakool. 

Ninkaan Shabaab ay gowraceen ayaa wuxuu watay gaari dameera, wuxuuna ku socdaalaayay inta u dhaxeysa Buurdhuxule iyo Waajid, balse Xoogag ka tirsan Shabaab ayaa wadada u galay. 

Ninkaan Shabaabka ay gowraceen ayaa la socday Saddex ruux oo kale, waxayna ku sii jeedeen Degmada Waajid, iyaga oo saarnaa gaari dameer raashin siday. 

Ciidamada Shabaabka ayaa qabtay Afartan nin, balse saddex ka mid ah raggii la qabtay ayaa cagahooda ku baxsaday, waxayna Shabaabka deegaanka Caleemow oo 22-KM u jira Waajid ku gowraceen ninkii Afaraad ee soo haray. 

Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Degmada Waajid, Caddow C/raxmaan Jugle, ayaa sheegay ninka Shabaabka ay gowraceen in lagu magacaabi jiray Xasan Cali Maxamed Caalin oo ku shaqeysan jiray gaari dameerka. 

Sababta ninkaan ay u gowraceen Shabaabka ayaa maamulka wuxuu ku sheegay inay tahay Shabaab inay diidan yihiin wax raashin ah in la geeyo Degmada Waajid. 

Ciidamada Dowladda oo ku baxay raadka xubnihii Shabaabka ka tirsanaa ee falkaasi gowracaha ah gaystay, ayaanan illaa hadda gacanta ku soo dhigin Shabaabkii dhibkaasi gaystay.

Comments