Xildhibaan Shariif Cabdalla: Madaxweynaha ha qanciyo maamul Goboledyada dalka jira

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya, ayaa Madaxweynaha Somaliya wuxuu u diray fariin ku aadan inuu qanciyo madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Xildhibaanka ayaa sheegay madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira inay wax ka tabanayaan Dowladda dhexe, loona baahan yahay Madaxweyne Farmaajo inuu la fariisto oo uu dhageysto tabashadooda.

Xildhibaan Shariif Cabdalla, ayaa sheegay haddii Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira ay ka shirayaan waxa maslaxadooda tahay inay tahay arrin haboon.

“Heer kasta ha la haato masuulka dowladda ah waa inuu qanciyaa Bulshada, dulqaad badana uu u yeeshaa siyaasadaha taagan, waxyaabaha sii xumeynaya xaaladda waxa ay tahay lahjada lagu hadlaayo, laakiin aniga waxaan u arkaa arintaasi oo Kismaayo ku shiraan Maamul Goboledyada, talo unbey soo dhiibayaan ma’ahanee wax carqalad ah ma wadaan, Dowladda lafteeda waxa ay u dirsan kartaa Wasaaradda arrimaha gudaha.” Ayuu yiri Xildhibaan Shariif Cabdalla. 

Madaxweynayaasha Maamul Goboledyada dalka ka jira ayaa lagu wadaa inuu shir kaga furmo Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland, shirkaasi oo ay suuragal tahay inay ka soo saaraan go’aano culeys ku keenaya Dowladda dhexe.

Comments