General C/laahi Maxamed Sheekh (Quruurux) oo caawa lagu dilay Degmada Waaberi

General C/laahi Maxamed Sheekh (Quruurux) oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa waxaa caawa lagu dilay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

General C/laahi Maxamed Sheekh, ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Horseed, ka dib markii uu ka soo baxay Masaajid uu Salaaddii Cishaha ku soo tukaday, kuna sii jeeday hoygiisa.

Goobjooge, ayaa waxaa uu sheegay in rag bistoolado ku hubeysnaa ay soo weerareen Jananka, ka dibna ay dhawr xabadood kaga dhufteen qaybaha kore ee jirkiisa.

Goobjoogaha, ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Booliska ay goobtaasi soo gaareen, mar ay baxsadeen raggii dilka gaystay.

General Quruurux, ayaa waxa uu horey u soo noqday Taliye Kuxigeenkii Saadka ee Ciidanka Xoogga Dalka, lamana garanayo cidda dishay.

Comments