Xaaf oo Madaxda Qaranka ku eedeeyay in qaab qabiil u kala qaybinayan Galmudug

Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxda Dowladda Somaliya.

Madaxweynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaaalda Cadaado, ayaa marka hore ka mahadceliyay soo dhawayntiisii oo ay ka qaybgaleen bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan idinka mahadcelinayaa soo dhaweynta iyo sida wayn ee aad u muujiseen tageeradiina. Waxaan kaloo ku faraxsanahay sida aad diyaar ugu tihiin in aad Galmudug u difaacataan. Waa arrin i dhiiragelinaysa. Waxaan ugu baaqayaa dadwaynaha reer Galmudug in aysan dheg jalaq u siinin kuwa ka shaqeynaaya tafaraaruqa iyo kala qaybsanaaanta."

Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Cadaado, ayaa yiri "Ma jirto cid aan uga haybaysanayno danta iyo maslaxada Galmudug. Waxaan Golayaasha hogaanka Maamulka Galmudug ugu baaqayaa in ay maqlaan codka shacabka iyo dadwaynaha waxna ku qaataan sida ay dadku diyaar ugu yihiin uguna go'ntahay in ay midnimada iyo Wadajir ka Galmudug u ilaashadaan."

Mar uu ka hadlayay habdhaqanka Dowladda Dhexe Somaliya, ayuu yiri “Waxaa wax aad looga xumaado ah in Hogaanka Dawalda Federaalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha ay faragelin qaawan ku sameynayaan Galmudug, iyagoo adeegsanaya xasaasiyad iyo caadifad qabiil si loogu dhaawaco midnimada iyo Wadajirka Galmudug. Waxay isku deyayaan inay carqaladeeyaan wadahadalka Galmudug iyo walaaleheen Ahlu Sunna Waljameeca. Waa wax lala yaabo sida hogaanka dalka loogu aaminayo rag kala qaybin qabiil Galmudug ka dhex wada."

Xildhibaanada Galmudug ku metelaya Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, ayuu ugu yeeray inay ka soo dhallaalaan doorka uga aadan Galmudug.

"Waxaan ugu baaqayaa Xildhibaanada Galmudug ku metela labada gole in ay ka soo dhalaalaan kaalinta uga aadan Galmudug. Waxaan xusuusinayaa in taariikhdu qori, dadwaynaha reer Galmudugna kala garan doonaan cidii wanaag ku meteshay Galmudug iyo ciddii in ay gumayso go'aansatay." Ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Xaaf, ayaa yiri "Halkii ay Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowaldda Federaalka ka sugayeen wadashaqayn iyo iskaashi ayay Dowladda Federaalka xasarad abuur iyo colaad ku bedeshay. Waxay baabi'iyeen Madashii Qaran, haatana waxay doonayaan in maamulada dumiyaan. Hadaba Waxaan ugu baaqayaa in ay meel uga soo wada jeestaan faragelinta qaawan ee ay Dawlada Federaalka ku hayso Dawlad Goboleedyada. Waxaan kaloo soo jeedinayaa in ay shir degdeg ah oo arrinkaas looga arrinsanayo isaga yimaadaan."

Beesha Caalamka, ayuu ugu baaqay "Beesha Caalamka way arkaan in Dawlada Federaalka ay ku hawlan tahay duminta iyo kala dirka Dawlad Goboleedka. Waxaan leenahay Dawlada Federaalka way gabtay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka. Hadaba waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka in ay arrinkan sida ugu dhaqsaha badan ugu soo joogsadaan."

Wuxuu ugu dambeen ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay Gobolka Mudug, waxaana uu yiri “Waxaan ka tacsidayeynaa dadkii ku dhintay dagaalkii macna darada ahaa ee ka dhacay Gobolka mudug. Waxaana ku baaqayaa in la ilaaliyo nabad ku wada noolaanshada shacabka walaalaha ah, iskana qabtaan kuwa ka shaqeynaya iska hor imaadka." 

Comments