Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Magaalada Cadaado eedeyna u jeediyay Dowladda Somaliya (SAWIRRO)

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada magaalada Cadaado, kadib safar shaqo oo uu kaga yimid magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Cadaado Madaxweyne Xaaf iyo wafdi uu hoggaaminayay waxaa ku soo dhaweeyay Xildhibaano, Wasiiro, Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wuxuu sheegay Diyaarad uu ka soo raacay magaalada Abu Dubai in saakay aroortii ay soo caga dhigatay magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu sheegay in uu ku xayirnaa Shan saac, isaga oo tilmaamay Diyaarad uu ka soo kireystay Hargeysa in Dowladda Federaalka ay isku deyday in ay carqaladeyso safarkiisa.

“Waxaan ogeysiinayaa dadka reer Galmudug, Dowlad Goboledyada iyo dhamaan Hay’adaha UN-KA waxa ay wado Dowladda Federalka Somaliya waa adhax jab lagu wado Maamulka Galmudug ogaada.” Ayuu yiri Xaaf. 

Madaxweyne Xaaf, ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in Dowladda Somaliya faragelin cad ay ku hayso Shaqada Maamulka Galmudug, iyadoo adeegsanaysa shaqsiyaad ka tirsan Maamulka. 

Comments