Golaha Wasiirada Galmudug oo ka shiray Khilaafka ka dhex taagan madaxda Maamulkaasi

Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug oo maanta Magaalada Cadaado ku yeeshay Shir deg deg oo ay kaga hadlayeen xaaladaha ka taagan Maamulka Galmudug, ayaa Shirkooda waxa ay ka soo saareen go’aano.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan (Masagawaa) oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Cadaado, ayaa wuxuu sheegay Golaha Wasiirada Galmudug  inay isla garteen go’aano dhawr ah oo ku aadan hanaanka dardargelinta hawlaha Maamulka.

Masagawaa, ayaa sheegay Golaha Wasiirada Galmudug inay isla garteen Shir Siyaasadeed in aanan lagu qaban Magaalada Cadaado inta la xalinaayo Khilaafka ka dhex taagan madaxda Maamulka Galmudug.

“Kadib markii ay arken Khilaafka Siyaasadeed ee ku soo kordhay Madaxda Galmudug, markii ay arkeen xasilooni darada ka dhalan karta Kulamada Siyaasadeed, Golaha waxa ay mamnuuceen Shirarka Siyaasadeed inta la xalinaayo Khilaafka.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Galmudug.

Golaha Wasiirada Galmudug, ayaa sidoo kale waxa ay isla garteen in Maamulka loo daayo xalinta khilaafka dhexdooda ah, islamarkaana la joojiyo faragelinta.

Comments