Ciidamada Dowladda oo weeraray Saldhigyo Shabaab ku leeyihiin deegaano hoostagga Janaale (SAWIRRO)

Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ee ka hawlgala Gobolka Shabellaha hoose, ayaa weerar ku qaaday fariisin ciidamada Ururka Al Shabaab ay ku lahaayeen deegaano hoostagga Magaalada Janaale ee Gobolka Shabellaha hoose. 

Ciidamada ayaa weeraray deegaanka Mushaani oo ku dhaw Magaalada Janaale, waxaana halkaasi dagaal uu ku dhexmaray Ciidanka Xoogga dalka iyo Xoogag ka tirsan Shabaab. 

Taliyaha Ururka 26 Guutada  Sadexaad ee Ciidamada Xoogga Dalka G/Sare Xasan Maxamed Abuukar Xasan Jaamici oo hawlgalkaasi hoggaaminaayay, ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay burburiyeen Saldhigii Shabaab ay ku lahaayeen deegaankaasi. 

‘’Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya waxa ay Burburiyeen fariisimaha Cadowga Al-Shabaab ay ku lahaayeen Shabellaha Hoose gaar ahaan Deegaanda Mushaani iyo Janaale Cadowga Al-shabaab Goobahaasi waxa ay ku dhibaateen Jireen Dadka shacabka.’’ Ayuu yiri Xasan Jaamici.

‘’Intii Ciidamada Geesiyaasha ay ku Jireen Hawlgalka waxaan halkaasi kula Kulanay Dagaal Naf la caari ah oo Nabadiidka ay ku soo qaadeen Ciidamada waxaana Halkaasi Al-shabaab looga Dilay Tiro ka Tirsan Nabadiidka Al-shabaab.’’ 

Comments