Wasiirka Boostadda: Khasaaraha ka dhashay maqnaanshihii qadka Guddi ayaan u xilsaareynaa

Wasiirka Wasaaradda Boostada Iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Somaliya Eng Cabdi Canshuur oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay  in guddi loo xil saaraayo qiimeynta Khasaaraha ka dhashay intii uu maqnaa adeega Internet-ka.

Cabdi Canshuur wuxuu sheegay Guddi khubaro ah inay baaris ku sameyn doonaan inta uu la eeg yahay Khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay Maqnaanshihii Internet-ka.

“Dowladda Somaliya waxa ay guddi khubaro ah u saareysa maqnaanshihii Internet-ka Khasaaraha ka dhashay ee dhanka Maaliyadda ah.” Ayuu yiri Wasiirka.

Hadalkiisa wuxuu intaasi ku daray Dowladda Somaliya inay aad ugu walaacsaneyd intii uu maqnaa Internet-ka maadaama shaqooyin badan ay xanibnaayeen.

Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayuu sheegay inuu aad ugu mahadcelinaayo, maadaama si aad ah ay arintaan uga shaqeeyeen sidii qadka loo heli lahaa.

Comments