Hawlgalo ka socda Magaalada Baledweyne kadib dil xalay ka dhacay Magaaladaasi

Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ayaa waxa ay hawlgalo amniga lagu xaqiijinaayo ka wadaan Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kadib dil xalay ka dhacay Magaaladaasi.

Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Baledweyne ayaa lagu soo waramayaa inuu ka socdo hawlgalka ay sameynayaan ciidamada dowladda, waxaana wararka ay sheegayaan dad la tuhmaayo ciidanka inay soo qabteen.

Kooxo hubaysan ayaa xalay magaalada ku dilay nin ka tirsanaa ciidamada Nabad Suggida Magaalada Baledweyne kadibna halkaasi ay ka baxsadeen.

Saraakiisha ammaanka Magaalada Baledweyne waxa ay soo sheegayaan dad la tuhmaayo in gacanta lagu soo dhigay ayna ku socoto baaritaan ku aadan tuhunka loo soo qbatay.

Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida ayaa wada hawlgalkaasi amniga lagu xaqiijinaayo ee ka socda Magaalada Baledweyne.

Comments