Afhayeenka Wasaaradda amniga: Majirto wado xiran oo Muqdisho ku taal

Afhayeenka Wasaaradda amniga gudaha Somaliya Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay inaysan jirin wadooyin xiran oo ku yaalo Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay ciidamada dowladda inay joogaan wadooyinka kala duwan ee Magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ku baarayaan gaadiidka.

Waxa uu tilmaamay haddii baarista gaadiidka iyo ciidamada wadooyinka taagan loo yaqaan xirnaansho inuusan garan karin taasi, balse aysan jirin wadooyin xiran oo ka mid ah Muqdisho.

Afhayeenka Wasaaradda amniga ayaa iska indha tiray wadooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho oo ay ka mid tahay wadada ka baxda KM4 ee dhanka Tarabuunka aada, wadada Garoonka oo meelo ka mid ah Hay'ado u xiran yihiin iyo wadooyinka jidcadyaasha ah ee Dowladda dhagxaanta waaweyn ku jartay.

“Waddo xiran oo Muqdisho ah ma jirto, haddii xiritaan loo yaqaano ciidan amniga waddooyinka ay taagan yihiin waa gooni, laakiin waddo gaar ah oo la xiray waddooyinka waaweyn ma jirto, wax fiican ma ahan barobagaandada amniga lagu wado, hadii amni wadanka ka dhaco horumar ayaa imaanaya…. adaan ku weydiinaa haddii ay jiraan waddooyinka xiran, aniga oo ah Afhayeenka wasaarada amniga ma arag, wax iga qarsoon malahan, ma jirto waddo muuqato oo xiran” ayuu yiri Afhayeenka.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa dareemaya ciriiri xoogan oo ka jira Magaalada gudaheeda, waxaana ciriiriga uu ku yimid xirnaanshaha wadooyinka qaar ee Muqdisho. 

Comments