Raiisal Wasaare Khayre oo sheegay inay fursad shaqo u abuurayaan dhalinyarada Somaliyed

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in dhalinyarada Somaliyed ay u sameynayaan shaqo abuur si looga baajiyo tahriibka.

Khayre ayaa sheegay muhiim inay tahay in dhalinyarada loo abuuro shaqooyin kala duwan si dalka gudihiisa ay wax uga qabsadaan, islamarkaana meesha uu uga baxo arimaha ku saabsan tahriibka.

Wuxuu sheegay Hay’adaha kala duwan ee dowladda taageera inay ka dalbanayaan dib u dhiska goobaha shaqooyinka sida Warshadaha dalka uu leeyahay oo haddii la dhiso ay shaqo ka heli doonaan kumanaan dhalinyaro Somaliyed ah.

“Hadafyada ugu muhiimsan ee aan ka shaqeyneyno waxay tahay in umadda Soomaaliyeed la isku soo dhoweeyo, muhiimaddu waxay tahay in dalka shaqo abuur laga sameeyo, dhallinyarada shaqo abuur loo sameeyo, shaqo la’aan ayaa jirta, dhallinyaradeennu waxay raacaan doonyo…waa in dalka aan dib u dhisnaa, adduunyado waa inaan ka codsannaa iney inoo dhisaan xarumaha waaweyn sida waddooyinka, Buundooyinka iyo Warshadihii dalku lahaa, haddii ay shaqeyso warshaddii Mareerey waxaa u shaqo tagaya dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Dhalinyaro badan ayaa dalka uga tagay shaqo la’aan kuwaasi oo ku dhamaaday badda, kadib markii ay la dagtay doomihii ay ku tahriibayeen.

Comments