Askari ka tirsanaa NISA oo caawa lagu dilay Magaalada Baledweyne iyo qorigii uu watay oo laga qaatay

Askari ka tirsanaa Ciidanka Hay'adda Nabad Suggida ee NISA, ayaa waxaa caawa lagu dilay Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan, iyadoona horey looga sii qaatay qorigii uu watay.

Askariga, ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Hawlwadaag, ka dib markii ay wadada u galeen rag bistoolado ku hubeysnaa, oo ka tirsan maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Dadka deegaanka, ayaa waxay sheegeen in ragga dilka gaystay oo laba nin ahaa, ay qaarka kore ee jirkiisa ka toogteen askariga, oo lagu magacaabi jiray Saalax Xasan Madaxey.

Ciidamada Dowladda Somaliya oo gaaray xaafadda Hawlwadaag, ayaa waxay ka sameeyen hawlgal ka dhan ah dembiile-yaasha, inkastoo aan la soo sheegin cid ay dilka askariga u soo qabteen.

Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay in xubno ka tirsan maleeshiyadooda ay ka dambeeyen tallaabada lagu dilay askarigaasi, isla-markaana ay horey uga sii qaateen qori AK47 ahaa, oo uu watay.

Comments