Ciidamada ammaanka oo caawa gacanta ku dhigay laba nin oo dhac ka waday Degmada Xamar Weyne

Ciidamada ammaanka, ayaa caawa Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir ku qabtay laba nin, oo sida la sheegay dadka ku baaranayay.

Raggan oo ku labisnaa dareyska Ciidamada Dowladda, ayaa waxaa gacanta lagu soo dhigay, iyagoo wata moobeelo iyo dahab ay ka soo furteen dadka deegaanka.

Xasan Duulane Xersi, Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Xamar Weyne, ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay ku baxeen raggaasi, ka dib markii lagu soo wargeliyay inay dhac ka wadaan xaafadaha degmada.

Taliyaha, ayaa Warbaahinta u sheegay in labadaasi nin ay ku soo qabteen teleefanada gacanta iyo dahab, ay ka furteen dumarka deegaanka, sida uu yiri.

Taliyaha, ayaa waxaa uu iftiimiyay in labadaasi nin oo midkood uu ka tirsan yahay Ciidamada Militariga, ay hadda ku xiran yihiin Saldhiga Xamar Weyne, isla-markaana ay ku wareejin doonaan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Xasan Duulane, ayaa dadka deegaanka kaga mahadceliyay wada shaqaynta ay la leeyihiin hay'adaha amniga, isagoona ku booriyay in wada shaqayntaasi ay sii wadaan.

Comments