Taliska Amisom oo ku dhawaaqay hawlgal lagu furayo wadada Muqdisho iyo Baydhabo xiriirisa

Taliyaha Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, General Cismaan Nuur Subagle, ayaa maanta ku dhawaaqay hawlgal ballaaran oo ay ku furayan wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Taliyaha, ayaa sheegay inay xilligan diyaar u yihiin in maleeshiyada Ururka Al Shabaab laga saaro wadadan, oo sida uu qiray muhiim u ah ganacsiga iyo ganacsatadaba.

Taliyaha, ayaa waxaa uu Magaalada Baydhabo ka sheegay, ka dib markii Shabaab laga saaray magaalooyinka, in ay bilaabeen inay ka hawlgalaan wadooyinka, si ay dadka ugu dhibaateeyan, balse ay iminka diyaar u yihiin inay taasi wax ka qabtaan.

General Cismaan Nuur Subagle, ayaa wuxuu ballanqaaday inay xilligan ciidan dejinayan wadada Muqdisho iyo Baydhabo isku xirta, si looga gudbo dhibaatooyinka ay maleeshiyada Al Shabaab ka wado, sida uu yiri.

General Subagle, ayaa hoosta ka xariiqay in hawlgalka ay Ciidamada Amisom u jooggan dalka, ay qayb ka tahay in la furo wadooyinka.

Hadalkan ka soo yeeray General Subagle, ayaa ku soo beegmaya, xilli shalay inta u dhaxeyso Baydhabo iyo Buurhakaba laga qafaashay gaari ay la socdeen shaqaale ka tirsan hay'ad maxali ah.

Comments