Xoogaga Shabaab oo Shaqaale gargaar ka afduubtay duleedka Degmada Baydhabo

Wararka aan ka helayno Gobolka Baay ee Koonfurta Somaliya ayaa sheegaya dagaalyahanada Shabaab in shalay galab duleedka Degmada Baydhabo ee gobolka Baay ay ka afduubteen Shaqaale gargaar. 

Shaqaalahan ay afduubteen Shabaab ayaa u shaqeynaayay Hay’ad Maxali ah oo lagu magacaabo Career, waxaana tirada shaqaalaha ay gaarayaan illaa 7 ruux. 

Afar ka mid ah Shaqaalaha la afduubtay ayaa la sheegay inay yihiin gabdho, halka saddexda kalena ay yihiin rag. 

Shabaab ayaa la sheegay gaarigii ay la socdeen shaqaalahan inay ula dhaqaaqeen deegaanka Dalandoole oo ka tirsan isla Gobolka Baay. 

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed saaka ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ay ku raadinayaan shaqaalahaasi Shabaabka gacantooda galay, inkastoo aanan la ogeyn meesha la geeyay oo rasmi ah.

Comments