Raiisal Wasaare Khayre: Culimadda waa in Dhalinyarada la qalday si wanaagsan u fahamsiiyaan Diinta

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Mudane Xasan cali Kheyre ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliyed in ay ka qeyb qaataan kaalintood uga aadan horumarka dalka.

Waxa uu si gaar ah Culimadda Somaliyed uu uga codsaday in ay dhalinyaradda Somaliyed ay fahamsiiyaan diinta , islamarkaana ay ka dhaadhiciyaan in Al-Shabaab inay si qaldan diinta u fahansiiyeen.

Xasan Cali Khayre ayaa sheegay Culimadda Somaliyed masuuliyada weyn inay ka saaran tahay dalka, loona baahan yahay nin kasta oo Sheekh ah inuu dhalinyarada diinta si sax ah u fahamsiiyo.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in culimadda Soomaaliyeed ay saaran tahay Mas’uuliyad weyn oo ku aadan Faafinta Diinta iyo sidoo kale ka hortagidda Fikirka Argagixisadda waa sida uu hadalka u dhigay.

Al Shabaab ayaa dhalinyarada u dagaalanta ka dhaadhiciyay fekerka ay ku dagaalamayaan inuu yahay mid Diini ah, qofkii ku dhinta dagaalkaasina uu galaayo Janadda.

Comments