Axmed Madoobe: Dowladda hanaga caawiso sidii Shabaab Jubbada Dhexe aan uga saari laheyn

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, ayaa ka codsaday Dowladda Federalka Somaliya inay ka caawiso sidii Shabaab looga saari lahaa Gobolka Jubbada Dhexe oo guud ahaantiisa ay gacanta ku hayaan Shabaab. 

Axmed Madoobe ayaa wuxuu tilmaamay xittaa inay adkaatay in Gobolka Jubbada Dhexe gar gaar Bini’aadinimo la gaarsiiyo, maadaama Shabaab ay gacanta ku hayaan. 

Dowladda Somaliya ayuu ka codsaday inay ka caawiso sidii Shabaab Gobolka looga saari lahaa, iyadoo Dowladda kaashanayso Beesha caalamka iyo Ururada kale ee Somaliya taageera. 

“Jubbaland saddex Gobol ayeey ka kooban tahay hal Gobol iyo Degmooyin gacanta manaxayaasha ayeey ku jirtaa oo aan gaarsiin wayno xittaa gurmadkii Bini’aadinimada, waxaan rabnaa Xukuumadda iyadaa amniga guud ee dalka masuul ka ah, masuuliyadda idin saaran waa inaad cid kasta oo caawimaad laga heli karo oo Beesha caalamka ugu horeyso in lala kaashado oo canaasiirtaan yar yar ee dalka joogta sidii Jubbooyinka looga saari lahaa.” Ayuu yiri Axmed Madoobe. 

Maamulka Jubbaland ayaa hadda wuxuu ku shaqeeya Magaalada Kismaayo iyo Degmooyin Jubbada hoose ka tirsan, waxaana u sii dheer Gobolka Gedo oo Degmooyinka ugu badan gacanta ay ku hayaan Jubbaland, iyadoo ay ka maqan tahay Gobolka Jubbada Dhexe guud ahaantiisa.

Comments