Maamulka Sh.dhexe oo xaliyay colaad beeleed ka taagnaa Gobolkaasi

Maamulka gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay inay xalliyeen xiisad u dhaxeysay beello walaalo ah, taasi oo maalmihii ugu dambeysay ka taagneyd deegaanka Cumar Meyre oo hoostaga degmada Cadalle ee gobolkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, ayaa sheegay in isaga iyo abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku guuleysteen xalinta xiisaddan.

Wuxuu sheegay waxgaradka Labada dhinac ay ku kulmeen degmada Cadalle, islamarkaana laga dhaadhiciyey inay wada hadal ku bedalaan wax walbo oo dhexmaray.

“Colaadda ayaan ku soo baxnay, meel wanaagsan ayaan gaarsiinnay, waxgaradkii Labada dhinac waan la hadalnay, waxaan xallinnay xiisaddii jirtay, waxaana sidoo kale waxgaradka ugu yeernay gogol nabadeed oo aan ka fureyno degmada Jowhar” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhowaan Laba beel oo walaalo ah ayaa ku dagaallamay deegaanka Cumar Meyre ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana ka dhashay dagaalkaasi khasaare kala duwan.

Comments