Madaxweynaha Hirshabelle oo sheegay Taliska ciidanka Maamulkaasi inuu yahay Buulo burde

Cali Cabdulaahi Cosoble, Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, ayaa sheegay taliska guud ee ciidamada Maamulka Hirshabelle inuu yahay magaalada Buulo burde. 

Madaxweyne Cosoble oo Saxaafadda kula hadlay magaalada Baledweyne, ayaa wuxuu sheegay ciidamada markii hore inay ka kala amar qaadan jireen talisyo ku yaal Galgaduud iyo Muqdisho, balse hadda taasi ay dhamaatay. 

Wuxuu sheegay ciidanka ku sugan Gobolka Shabellaha Dhexe inay ka amar qaadanayaan Buulo burde, kuwa kale ee Hiiraan ku sugana isla Buulo burde inay ka amar qaadanayaan oo Saraakiisha ciidamada halkaasi la isugu geeyay. 

“Ciidamada Dowlad Goboledka Hirshabelle, haddii ay shalay kala ahaayeen oo laba qayb ka kala tirsanaayeen, qaybta Shabellaha Dhexe ay hoostagayeen Magaalada Muqdisho, qaybta Hiiraana ay hoostagayeen Dhuusamareeb, maanta waa mid waxaana ay hoostagayaan Magaalada Buulo burde oo taliska guud ee ciidamada uu noqonayaa.” Ayuu yiri Cosoble. 

Hirshabelle, ayaanan wali dhisan ciidan u gaar ah, balse ciidanka hadda ku sugan Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa ah ciidanka Xoogga dalka Somaliya.

Comments