Wafdiga Raiisal Wasaaraha oo qado sharaf loogu sameeyay duleedka Magaalada Kismaayo (Daawo Sawirada)

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre iyo xubnaha Golaha Wasiirada ee ku weheliyey safarkiisa ayaa waxaa qado sharaf u sameeyey Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, taasi oo ka dhacday duleedka magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in qadadani ay tilmaam u tahay sida ay xili waliba Jubbaland iyo shacabkeedu ugu heelan yihiin wadajirka iyo isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa aad uga mahadceliyey Madaxweynaha Jubbaland iyo golleyaasha dawlad gobolleedka is-xilqaankooda isagoona tilmaamay soo dhoweynta iyo martiqaadkan oo kale inuu yahay mid ay caan ku tahay Jubbaland.

“Aadbaan ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Axmed iyo dhamaan dawlad gobolledka jubbaland oo si weyn noo soo dhoweeyey runtii qada sharaftan ay noo sameeyeen waxaanu u aragnaa qaddarin, ixtiraam iyo sharaf ay noo hayaan bulshada reer Jubbaland.” Ayuu yiri Ra'iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdiga la socda ayaa qadada ka dib, halkaas ku maalay geel, waxaana ay tani ka mid tahay sida ay shacabka Jubbaland ugu faraxsan yihiin la joogitaanka madaxda dawladda Federaalka.

Comments