Madaxweynaha Puntland oo amray in sharciga la horkeeno ganacsatadii diidaa bixinta canshuurta

Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Puntland, ayaa waxaa uu amray in sharciga lala tiigsado ganacsatadii aan bixin lacagaha canshuuraha, ee uu maamulku ka doonayo.

Madaxweynaha oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe, ayaa marka hore sheegay in bixinta canshuurta ay tahay sharci dastuuri ah.

"Waxaan idin sheegaynaa canshuur sideedaba waa sharci dastuuri ah weeye. Micnaheedu waxaa weeye qofkii sharciga ka horyimaada, dabcan waa dembiile, saa in loo arkaa rabnaa." Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha, ayaa intaa ku daray "Waxaan ka hadleynaa waa sharciyad, canshuurtaas oo la diidaa waxay lamid tahay iyadoo uu qofka uu sharciga ka horimaanayo, oo sharcigii uu burinayo, uu duminayo weeye."

Madaxweyne Gaas, ayaa amray in sharciga la horkeeno ciddii diidaa bixinta canshuurta, waxaana uu yiri "Waxaa weeye in lala xisaabtamo oo sharciga la horkeeno, ciddii arrintaasi ay ku cadaato."

Digniinta ka soo yeertay Madaxweyne Gaas, ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli la hadalhayo in maamulka iyo ganacsatada Boosaaso uu soo kala dhex galay murun arrintaasi ku aadan.

Comments