R/Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey deegaanka Goobweyn (Daawo Sawirada)

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa waxaa uu kormeer ku tagey Deegaanka Goobweyn, oo 11km u jira Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay dadka deegaanka, oo uu la yeeshay kulan ay xaaladda isaga wareysanayen.

Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Khayre oo kormeerkan ay ku wehlinayen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno kale, ayaa sidoo kale kormeer ku tagey Jaamacadda Kismaayo, oo xarun ciidan u ah Ciidamada Jubbaland, qaybtooda ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Xasan Cali Khayre, Ra'iisal Wasaaraha Somaliya oo xirnaa dareyska ciidamada, ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ee Jaamacadda Kismaayo degan ku booriyay in ay danta guud ka shaqeeyan.

Khayre, ayaa sidoo kale ciidankaasi ugu baaqay in ay u diyaargarowban dagaal ay ku qaadaan dhulka, ay maleeshiyada Shabaabku ka jooggan Gobolada Jubbooyinka.

Comments