Dowladda Somaliya oo sheegtay inay la dagaalami doonto kuwa dhaqaalaha siiya Al Shabaab

Dowladda Somaliya, ayaa waxay sheegtay inay dagaal adag la geli doonto kuwa dhaqaalaha siiya Ururka Al Shabaab, oo dagaal adag kula jira Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, ayaa sheegay in Wasiirka Amniga, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) uu shirkii Khamiislaha ee Golaha Wasiirada ku soo bandhigay qorshahan cusub.

"Waxaa warbixin laga dhageystay Wasiirka Amniga Qaranka oo la xiriira amniga dalka oo dhan, waxaana la go'aamiyay in cid alaala iyo ciddii taageerta fekerka argagixisida iyo siyaasadeeda ama dhaqaale ku taageerta in tallaabo sharci ah laga qaadi doono." Ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay VOA.

Wasiirka, ayaa wuxuu iftiimiyay in lagu daba jooggo dad fara-badan oo caadeystay inay gargaaran maleeshiyada Al Shabaab, iyadoo tanina loo arkay mid halis ku ah xasiloonida dalka.

"Hay'adaha amniga waxay sheegeen inay ku raadjooggan dad fara-badan oo caadeystay inay gargaaraan argagixisada, tanoo loo arkay in amniga iyo nabadaynta dalka ay khatar ku tahay." Ayuu yiri Eng. Yariisow.

Comments