Shirka Golaha Wasiirada oo ka furmay Magaalada Kismaayo

Shirka Golaha Wasiirada Somaliya, ayaa maanta si rasmi ah wuxuu uga furmay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland.

Shirkaan ayaa waxaa furay Ra'iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, waxaana ku sugan madasha shirka uu ka socdo inta badan xubnaha Golaha Wasiirada Somaliya.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya ayaa sheegay shirka maanta ka qabsoomay Magaalada Kismaayo inuu muujinaayo sida Dowladda ay  ugu diyaarsan tahay in lala xisaabtamo.

Madaxda Dowladda ee maanta ku shirsan Magaalada Kismaayo, ayaa marka shirkooda uu soo dhamaado, kadib waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan masuuliyiinta Maamulka Jubbaland.

Shirka Golaha Wasiirada Somaliya ee ka socda Magaalada Kismaayo ayaa ah kii caadiga ah ee todobaadkasta xubnaha Golaha Wasiirada Somaliya ay ku yeelan jireen Magaalada Muqdisho oo todobaadkaan lagu qabtay Kismaayo.

Comments