Shabaab oo Madaafiic ku weeraray Saldhiga ciidamada Itoobiya ee Garbahaarey

Wararka ka imaanaya Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in Shabaab xalay Madaafiic ay ku garaaceen Saldhiga ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Garbahaarey. 

Dagaalyahanada Shabaabka ayaa Madaafiicda waxa ay ka soo tuureen duleedka Magaalada Garbahaarey, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in madaafiicda ay ku dhaceen Garoonka Diyaaradaha Garbahaarey. 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in aanan la ogeyn inta uu la eeg yahay Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ciidamada Itoobiya ka soo gaaray Madaafiicdaasi ku soo dhacday Garoonka Garbahaarey. 

Ciidamada Itoobiya ayaa saaka ku baxay duleedyada Degmada Garbahaarey, halkaasi oo hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayay ay ka sameynaayeen. 

Xaaladda Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa saaka ah mid degan, dadkana waxa ay hadal hayaan madaafiicdii xalay lagu weeraray ciidamada Amisom.

Comments