Ciidamo Somali iyo kuwa Cadaan ah oo xalay weeraray Saldhigyo Shabaab ku leeyihiin Sh.hoose

Ciidamada gaarka ah ee Dowladda Somaliya iyo kuwo Mareykan ah ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku qaaday deegaanka Kuunya Barrow oo 90 KM u jirta Degmada Baraawe. 

Gudoomiyaha Degmada Baraawe Xuseen Barre Maxamed ayaa sheegay in weerarka uu dhacay xalay 1-dii Habeennimo islamarkaana Ciidamada isbaheysanaya ay la wareegeen deegaanka Kuunyo Barrow. 

Waxa uu xusay in Saldhigyo Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka la burburiyay markii uu waaga baryayna ay Ciidamada Isbaheysanaayay ka soo baxeen Magaalada. 

Ciidamada weerarka qaaday oo uu sheegay in Mareykan iyo Soomaali ay ahaayeen ayaa adeegsanaayay diyaarado oo weerarkaba ku fuliyay. 

“Weerarkaasi waa jira tuulada Kuunyarbarow ayaa xalay weerar ka dhacay, Diyaarado Qumaati u kaca ayaa fuliyay oo ciidan Cadaan ah iyo kuwa Somali ah ay saarnaayeen, xarumo waaweyn oo Shabaabka ay joogeen ayaa lagu bartilmaameedsaday, Saldhigyadii la weeraray ciidanka waa ay la wareegeen saacado markii ay haysteen, kadib waa ay isaga soo baxeen.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Baraawe. 

Waxaa uu ka gaabsaday khasaaraha ka dhashay weerarkaas in uu faah faahiyo,waxaana uu ku gaabsaday in khasaaraha dib laga xaqiijin doono,marka ay soo baxdana la wadaagayaan Warbaahinta. 

Shabaab weli kama aysan hadlin weerarkaan xalay lagu qaaday deegaanka Kuunya Barow oo Shabaab ay gacanta ku hayaan.

Comments