Shirka Golaha Wasiirada oo maanta ka dhacaya Kismaayo iyo ammaanka oo si weyn loo adkeeyay

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland, iyadoo maanta la filaayo inuu halkaasi ka qabsoomo Shirka Golaha Wasiirada Somaliya.

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre iyo Golihiisa Wasiirada ayaa shalay galab ku sii xaadiray Magaalada Kismaayo, kadib markii diyaarado ay ka raaceen Muqdisho.

Maanta ayaa la filayaa in Shirka Golaha Wasiirada uu si habsami leh uga qabsoomo Kismaayo, waana mid ka mid ah kulamadii caadiga ahaa ee Golaha Xukuumadda ay yeelan jireen.

Ciidamada Amisom iyo kuwa Jubbaland ayaa si aad ah loo dhigay dhamaan xaafadaha Magaalada Kismaayo, waxaana tani ay muujinaysa sida Jubbaland ay isaga xil saartay suggida ammaanka Kismaayo.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in Shirka Golaha Wasiirada Somaliya ay ku qabtaan Magaalada Kismaayo, waxaana tani looga gol leeyahay baahinta nidaamka Dowladnimo ee dalka.

Comments