Maamulka Sh.dhexe oo sheegay inay qaadeen 26 Isbaaro oo Gobolka taalay

Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa sheegay inay ku guulaysteen qaadista 26 Isbaaro oo taalay Gobolka Shabellaha Dhexe.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan oo la hadlay Warbaahinta wuxuu sheegay in ciidamada dowladda ay ku guulaysteen qaadista Isbaarooyinkaasi tirada badan ee Gobolka yaalay.

Wuxuu sheegay Isbaarooyinka ugu badan inay ka qaadeen dhanka Degmada Warsheekh iyo deeganada hoostagga, hadana ay qorsheynayaan goobo hor leh inay ka qaadaan.

Guddoomiye Mayre waxa uu sheegay in ay la dagaallami doonaan shaqsiyaadka caadeystay inay jidgooyooyinka dhigtaan guud ahaan deegaannada Shabellaha Dhexe.

“Waxaan la dagaallami doonnaa cid walbo oo isbaaro u dhiganeysa dadka shacabka ah, waxaan qaadnay 26 isbaaro kuwa kale ee harsanna waan qaadi donna, shacabka Shabellaha Dhexe waxay u baahan yihiin in si nabad ah ay ku maraan deegaannadooda.” ayuu yiri Guddoomiyaha Shabellaha Dhexe.

Comments