Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Maleeshiyaad hubaysan oo Baledweyne ka socdo

Sida ay sheegayaan wararka laga helaayo xaafadda Hawlwadaag ee Magaalada Baledweyne dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad hubaysan ayaa ka socda xaafaddaasi. 

Dagaalkaan oo ah mid labada dhinac rasaas kala duwan ay isku weydaarsanayaan Xaafadda Hawlwadaag, ayaa waxaa la sheegayaa inuu gaystay khasaare dhaawacyo ah oo soo gaaray dadka rayidka ah. 

Maleeshiyaadka ciidanka la dagaalamaya ayaa sheeganaya inay yihiin ciidamo ka tirsan Maamulka Westland, islamarkaana ku sugan xaafadda hawlwadaag. 

Ciidanka dowladda waxa ay dhankooda isku dayayaan in guud ahaan Magaalada Baledweyne ay ka saaraan maleeshiyaadka hubaysan ee Magaalada dhexdeeda jooga. 

Maamulka Gobolka oo aan la xiriirnay waxa ay inoo sheegeen inay faah-faahinta dagaalka dib ay ka bixin doonaan, maadaama dagaalka uu hadda socdo.

Comments