DEG DEG: Qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Degmada Wadajir

War deg deg ah oo hadda naga soo gaaray Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay qarax gaari.

Gaarigaan oo markii hore ay qabteen ciidamada ammaanka, ayaa wuxuu yaalay Banaanka hore ee Saldhiga Degmada Wadajir, waxaana socday Baaritaanka gaarigaan.

Iyadoo ay socoto hawsha Baarista gaarigaan, ayaa mar kaliya uu qarxay, waxaana wararka ay sheegayaan inuu jiro khasaare ka dhashay gaarigaan qarxay.

Saraakiisha Hay’addaha ammaanka ayaa xaqiijiyay in gaarigaan markii hore ciidamada ay qabteen, kadib markii ay heleen xogta ku saabsan qaraxa gaariga.

Dadka ku sugan Degmooyinka Magaalada Muqdisho, ayaa mar kaliya si weyn u maqlay jugta qaraxaan aadka u xoogan.

Ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa ku sugan goobta ay wax ka dhaceen, halkaasi oo Baaritaano ay ka wadaan.

Comments