Ciidamada Dowladda oo Gobolka Hiiraan ku xiray sideed ruux oo Shabaab lagu tuhmay

Ciidamada dowladda Federalka Somaliya, ayaa lagu soo waramayaa inay hawlgal dad lagu soo qab qabtay ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Magaalooyinka Buulo burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Hawlgalkaan oo ah mid ammaanka lagu xaqiijinaayay, ayaa wararka waxa ay sheegeen ciidamada inay gacanta ku soo dhigeen dad ay tuhmayaan, kuwaasi oo lala xiriiriyay Shabaab.

Waxa uu ka dambeeyay hawlgalka, kadib markii ciidamada dowladda ay heleen macluumaad ku saabsan in rag ka tirsan Shabaab ay soo galeen deeganada u dhaxeeya labada Magaalo.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in la soo qabtay sideedaasi ruux oo hadda ay ku socoto baaritaan ku aadan waxyaabaha lagu tuhmay.

Shalay ayeey aheyd markii ciidamada dowladda Magaalada Jalalaqsi ay ku xireen Odayaal ka qayb galay xafladda caleemo saarka Suldaan ka tirsan Shabaab.

Comments