Wasaaradda Boostada Iyo Isgaarsiinta oo shacabka uga digtay qatarta Virus cusub

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Somaliya, ayaa shacabka uga digtay Virus cusub oo ku dhaca Computarada, kadibna saameyn ku yeesha shaqada qofka.

War ka soo baxay Wasaaradda Boostada Iyo Isgaarsiinta, ayaa lagu sheegay in qatartaan cusub oo caalamka ku sii baaheysa Wasaaradda ay ka digeyso, islamarkaana loo baahan yahay shacabka Somaliyed inay ka feejignaadaan.

Weerarkan viruska ah wuxuu aalaaba ku faafaa dhinaca email-ka, wuxuuna kaa xirayaa kumbuyuutarkaaga, iyadoo lagu weydiisanayo inaad bixiso lacag madax-furasho (ransom) si laguugu furo.

Wasaaradda waxa ay sheegtay dalka ugu sokeeya ee hadda Viruskaan lagu arkay inuu yahay dalka Kenya oo Somaliya daris la’ah.

Caalamka ayaa hadda waxaa si weyn loo isticmaala aalada Teknoolijiyadda uu ku sii fideysa aduunka oo dhan.

Comments