Magaalada Baydhabo oo la geeyay dhaawacyada masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Qansaxdheere

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxay sheegayaan in la geeyay isbitaalka magaaladaasi mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Qanasax Dheere, kuwaasi oo ku dhaawacmay qarax shalay ka dhacay degmadaasi.

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Qansax Dheere , Xoghayaha degmadaasi iyo 5 askari oo ilaalo u ahayd ayaa shalay ku dhaawacmay Qarax Miino oo lagu aasay gooob ay inta badan fariisan jireen mas’uuliyiintaasi.

Gudoomiyaha degmada Qansax Dheere Isaaq Cabdi Maxamuud ayaa  sheegay , in xaaladda mas’uuliyiintan ay tahay mid wanaagsan, balse ay daran yihiin xaaladda Labo askari oo iyaga ilaalo u ahaa.

“Meesha qaraxa uu ka dhacay waxaa fariisan jirey mas’uuliyiintan, waxaana la dhigay Miino, dhaawac ayaa kasoo gaaray iyaga iyo sidoo kale Shan askari oo iyaga ilaalineysay” ayuu yiri guddoomiyaha.

Gudoomiye Isaaq ayaa sheegay in haddii askarta ay xaaladooda liidato wax looga qaban waayo magaalada Baydhabo loo soo qaadi doono magaalada Muqdisho.

Dhanka kale ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ayaa xalay illaa saakay waxay howlgallo ka wadeen degmada Qanasax Dheere, iyadoo aan la shaacin cid lagu soo qabtay howlgalkaasi.

Comments