Ciidamada dowladda oo xalay Muqdisho ku toogtay nin Burcad ahaa

Ciidamada dowladda oo xalay Muqdisho ku toogtay nin Burcad ahaa20 March 2017

Ciidamada ammaanka Maamulka Degmada Yaaqshiid, ayaa xalay toogasho ku dilay nin ka tirsanaa Koox burcad ah oo xilliyada habeenkii ah Mooto Bajaaj dadka ku dhici jireen.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale waxa ay gacanta ku dhigeen nin la socday ninkaasi Burcadda ahaa, waxaa sidoo kale la soo qabtay Mootadii ay dadka ku dhici jireen iyo Qori Ak47 ah.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Xalane ayaa Saxaafadda u sheegay in ciidamada ay toogteen ninkaasi, xilli uu isku dayaayay inuu baxsado.

Waxa uu sheegay ninka kale ee iminka gacanta lagu haayo inuu qabo dhaawac fudud, balse la daaweeyay oo iminka uu xiran yahay.

Ninka la soo qabtay iyo kan la dilay ayaa jeebabkooda waxaa laga soo saaray 11 Moobeel oo dadka ay ka dhaceen.

Saraakiisha ammaanka waxa ay sheegeen in Magaalada laga bilaabay hawlgal Burcadda hubaysan ee dadka dhaca lagula dagaalamayo.

Comments