Malaysia oo ciidamo u soo direysa Somaliya

Malaysia oo ciidamo u soo direysa Somaliya18 March 2017

Wasaaraddaa difaaca Maleysia ayaa sheegtay in ciidamo ka shaqeeya dhinaca gar gaarka iyo agabkooda ay qorsheenayaan inay u soo diraan Somaliya. 

Wasiirka Wasaaraddaasi Hishammuddin ayaa sheegay, in go’aanka saraakiishan loogu soo dirayo Somaliya uu yimid kadib markii wasiirka uu magaalada Kuala Lumpur kula kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeeenka dalka Maxamed Cumar Carte. 

Mudane Carte ayaa dowladda Maleysia ka codsaday inay ka qayb gasho gurmadka loogu jiro abaaraha baahsan ee dalka ka jira. 

Golaha wasiirada Maleysia oo shiray Jimcihii shalay ayaa ansixiyay codsiga Ra’iisul wasaare ku xigeenka Somaliya ee ah in Maleysia ay Somaliya ka taageerto dhinaca gurmadka abaaraha.

Wasiirka Gaashaandhigga Maleysia ayaa sheegay in 17 sarkaal oo ka tirsan qeybta caafimaadka ee ciidamada Maleysia ay imaanayaan Somaliya. 

Koox kale oo ka kooban shaqaale tiradoodu gaareyso illaa 10 qof ayaa sugi doona amniga saraakiisha Maleysia usoo direyso Somaliya.

Comments