Ku dhawaad 40 ruux oo Somali ah oo lagu dilay gantaal lagu dhuftay doon ay la socdeen dalka Yemen (SAWIRRO)

Ku dhawaad 40 ruux oo Somali ah oo lagu dilay gantaal lagu dhuftay doon ay la socdeen dalka Yemen (SAWIRRO)18 March 2017

Waxaa sii kordhaya tirada dadka Somaliyed ee ku dhintay Gantaalka lagu dhuftay doontii ay saarnaayeen dalka Yemen, iyadoo faah-faahin laga helaayo Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca dadkaasi gaaray. 

Wararka waxa ay sheegayaan doonta inay saarnaayeen 142 ruux oo Somali ah, kuwaasi oo doonaayay inay guuraan dalka Sudan, xilli ay ka baxsanayeen colaada ka taagan dalka Yemen. 

Doonta dadkan ay saarnaayeen ayaa mareysay Xeebaha Magaalada Xudeyda, waxaana dul timid diyaaradaha dagaalka oo xabado ku riday markii hore, kadibna Gantaal ku dhuftay. 

Waxaa la xaqiijiyay ku dhawaad 40 ruux inay geeriyoodeen, sidoo kalena ay dhaawac yihiin ku dhawaad 10 ruux, halka intii kale ee soo hartay qaarna la la’yahay nolol iyo geeri, qaar kalena ay xireen Xoogaga Xuutiyiinta oo gacanta ku haya meesha duqeynta ay ka dhacday. 

Dadka Doonta saarnaa ayaa u badnaa Haween iyo caruur doonaayay  inay ka baxsadaan colaada Yemen, waxayse la kulmeen arin argagax badan. 

UNHCR ayaa sheegtay inay aad uga naxeen, falka lagu beegsaday dadkaasi Qaxootiga Somalida ah. 

Diyaaradahan duqeynta fuliyey ayaa ah kuwa isbahaysiga Carabta ee Sucuudigu hogaaminayo garabkana Siinaya Dowladda Yemen, Dagaalkana kula Jirta Falaagada Xuutiyiinta ah. 

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda jawaab laga helo Sacuudiga iyo dowladda Somaliya.

148981616949227.jpg

1489816173d3d31.jpg

14898161784d017.jpg

1489816181d97c8.jpg

1489816186faecc.jpg

14898161921567e.jpg

148981619727737.jpg

1489816204a9284.jpg

148981620868aff.jpg

14898162126da9f.jpg

1489816214de5a2.jpg

148981622315f52.jpg

Comments