Salva kiir oo cafis bani aadanimo u fidiyay mucaaradka koonfurta sudan

Madaxweynaha koonfurta sudan Salva Kiir ayaa soo saaray digreeto uu cafis ugu fidiyay kooxaha mucaaradka ah ee sudan oo iyo ninka sida weyn ay isku hayeen ee Riek Machar sida uu baahiyay khamiistan maanta Idaacada dowlada.


Ku dhawaaqida cafiskan ayaa imaanaya maalmo kadib markii labada hogaamiye ay heshiis awood qeybsi ah ay ku saxiixdeen magaalada Khartuum ee caasimada Sudan.

Dagaalo u dhaxeeyay shantii sano ee la soo dhaafay dowlada iyo mucaaradka sudanta koonfureed ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun halka malaayiin ruux oo rayid ah ay u barakaceen gudaha iyo dibeda.


Mr Kiir ayaa dhanka kale ku celiyay in ciidamada mucaaradka iyo dowlada ay dhaqan galiyaan heshiiskii xabad joojinta ee la gaaray bishi June.

Heshiiskii la gaaray maalinimadii axada ayaa waxay wadada u xaartay in hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar uu dib ugu laabta magaalada caasimada ah ee Jubba.

Siyaasigaan ayaa waxaa uu ka mid noqon doonaa shanta madaxweyne ku xigeen ee xukuumada sudanta koonfureed yeelan doonto.

Faallooyin