Canada oo sheegtay in aysan ka aamusi doonin tacadiga ka dhanka ah xuquuqda aadanaha

Ra,isul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa sheegay in dowladiisa ay sii wadi doonto in ay si cad uga hadasho tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo difaacida dadka rayidka ah.


Hadalkaan ayaa waxaa uu ka soo aadayaa tan iyo markii xumaaday xiriirka sacuudiga iyo canada isbuucii la soo dhaafay kadib markii dowlada boqortooyada sacuudiga ay ka carootay hadal ka soo yeeray safiirka Canada.


Mr Justin Trudeau oo ka hadlay mashruuc maal galineed oo uu kaga dhawaaqay magaalada Montreal ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in xukuumada Canada aysan raali galin ka bixin doonin hadalkii hore.


Waxaa uu sheegay in canada dadka u dhashay ay marwalba ka rajeynayeen dowladooda in ay difaacdo xuquuqda aadanaha ayna difaaci doonan waligood.

Ra,isul wasaaraha Canada ayaa ugu danbeyn sheegay in ay waajib tahay marwalba ixtiraamka iyo dhowrida xuquuqda aadanaha gudaha iyo dibeda.

Dowlada Sacuudiga ayaa lagu eedeyay in ay xarig u geysatay xubno badan oo ka tirsan ururada bulshada rayidka ah waxaana ka mid ahaa haweeney caan ah iyo mid ka mid ah wadaadada sacuudiga.

Faallooyin