Haweeney xaamila aheyd iyo cunug yar oo ay dhashay oo ku dhintay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday magaalada Gaza

Ugu yaraan sadex ruux oo falastiini ah ayaa ku dhintay weerar ay diyaaradaha dagaalka Israel ka geysteen magaalada Gaza ee dhulka reer falastiin.


Dadka ku dhintay duqeyntan waxaa ka mid ahaa hooyo uur laheyd iyo cunug yar oo 18 bilood jir ahaa oo ay dhashay sida ay saraaakiisha caafimaaadka sheegeen.


Milatariga Israel ayaa sheegay in weerarkaan ay kaga jawaabayeen 150 madfac oo laga tuuray magaaalada Gaza arbacadii shalay oo ay ku dhaawacmeen 6 ruux oo ku sugan gudaha Israel.


Shalay ayey aheyd markii dowlada Israel ay ka digtay weerarada ceynkani oo kale ah oo ay geysanayaan ururka Xamas waxaana xunbno u hadlay dowlada ay Israel ay tibaaxeen iney qorsheynayaan dadaalo dad ka rayidka ah looga rarayo degaanada u dhow marinka magaalada Gaza.


Weerarkaan ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaaray 12 ruux sida ay tibaaxeen mas,uuliyyinta wasaarada caafimaadka Falastiin

Faallooyin