Tirada dhimshada dhul gariirkii ka dhacay jasiirada Lombok oo kor u dhaaftay 150 ruux

Waxaa sii korortay tirada dadkii ku dhintay dhul gariir maalmo ka hor ku dhuftay Jasiirada Lombok ee wadanka Indonesia sida ay sheegeen saraakiisha gurmad ka deg dega ee dalkaasi.

Warbixin ay soo saartay saaka oo khamiis ah xukuumada Indonesia ayaa waxay sheegtay in 160 ruux ay gaartay tirada dadka ku dhintay dhul gariirka halka 14,000 oo ruux ay ku dhaawacmeen.

Masiibadan ayaa sidoo kale waxaa ku barakacay dad tiradooda lagu qiyaasay 156,000 oo ruux,kuwaasi oo guryihii ay deganayeen ku burburaay dhul gariirka ka dhacay waqooyigaa Jasiirada Lombok.


Barakacayaasha ayaa la soo tabinayaa in aysan heysan raashin iyo biyo nadiif ah iyadoo goobaaha qaar ay wali adagtahay in gurmad lala gaaro maadama wadooyinka burbureen.


Afhayeenka waaxda maareynta masiibooyinka Sutopo Purwo Nugroho ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in dadka qaar ay saameyn dhanka maskaxda ah uu ku yeeshay dhul gariirka qaarkoodna ay u baahan yihiin gar gaar daawo ah,walow uu sheegay in wali xaalada ay la tacaalayaan.


Dowlada ayaa sheegtay masaajido xarumo gaanacsi iyo dhismayaal badan oo ay dad ka deganayeen oo tiradooda laagu sheegay 10 kun ay ku burburtay mashaqadan.


Dhul gariirkan ayaa dhacay xilli ay dadka ku gudo jireen salaada cishaha xiliga maxaliga ah ee dalkaasi habeenkii isniinta ee la soo dhaafay.

Faallooyin