Iran oo ku hanjabtay in mareykanka uu cawaaqib xun kala kulmi doono cunaqabateynta uu saaray

Madaxweynaha wadanka Iran Hassan Rouhani ayaa wacad ku maray in dalkiisa uu sii wadi doono dhoofka saliida ee dibeda kadib markii xukuumada mareykanka ay cunaqabateyn dhaqaale ku soo rogtay.


Isaga oo ka hadlay Tv-ga dowlada ee IRINN ayaa mr ruuxani waxaa uu sheegay hadii mareykanka uu doonayo in uu ficilkiisa ka dhabeeyo looga baahan yahay in uu isna ogaado natiijada ka dhalan karta.


Hogaamiyaha Iran ayaa sheegay in aysan suura gal noqon karin in ganacsigooda la hakiyo kan mareykankana uu sii socdo.

Ma uusan sheegin qaabka ay mareykanka ugu jawaabi doonan cunaqabateynta uu saaray,balse dowlada Iran ayaa waxay marar badan ku hanjabtay in ay iyagana hor joogsan doonto maraakiibta mareykanka ee marta biyaha Hormuz oo howlaha kala duwan ka wada gacanka carabta.


Dowlada mareykanka ayaa dhankeeda sheegtay in aysan waxba u dhimi doonin hanjabaada ka dhanka ah ee soo yeertay xukuumada Iran.

Madaxweyne ruuxaani oo kulan la qaatay wasiirka Arimaha dibeda Kuuriyada waqooyi Ri Yong-ho oo booqasho ku tagay magaalada Tehran ayaa waxaa uu ugu baaqay in aysan dowladiisa aaminin balamaha iyo heshiisyada mareykanka.


Ri Yong-ho ayaa tilmaamay in cunaqabateynta Iran uu mareykanka saaray ay hareer marsan tahay xeerar ka caalamka.

Faallooyin