Congo oo shaacisay in Joseph Kabila uusan loolami doonin doorashada madaxtinimo

Dowlada dimuquraadiga Congo ayaa shaacisay in uu uu markale tartami doonin madaxweynaha dalkaas Joseph Kabila sida lagu qoray warbixin maanta ka soo baxday dowlada.


Xisbiga Kabila ayaa waxay shaaciyeen in uu xilka madaxtinimo uu u tartami doono wasiirkii hore ee arimaha gudaha Ramazani Shadary sida uu sheegay afhayeenka dowlada Lambert Mende.


Arintaan ayaa waxay soo afmeereysaa shakiyo maalmihii la soo dhaafay taagnaa oo aheyd in uu tartami doono kabila iyo inkale marka uu xilka dhameysto.


Gudiga doorashada ayaa sugayay in dowlada ay shaaciso in uu xilkaan u tartami doono madaxweynaha iyo inkale taasi oo ugu danbeyn meesha ka saartay in uu tartamo madaxweyne kabila oo mudo badan hayay xilka madaxtinimo ee Congo.

Bisha December oo dabayaaqada sanadan ayaa la filayaa in la qabto doorashada guud sida ay gudiga doorashada shaaciyeen.

Faallooyin