Zambia oo diiday in ay magangalyo siyaasadeed siiso xubno baxsad ah oo ka tirsan mucaaradka wadanka Zimbabwe

Hogaamiye yaal ka tirsan mucaaradka Zimbabwe yaa laga soo diiday magan galyo siyaasadeed oo ay ka codsadeen wadanka dariska la ah ee Zambia kadib doorashadii todobaadkii hore ka dhacday dalkaasi oo mucaaradka ay qaadaceen.

Xubnahan sare ee ka tirsan mucaaradka ayaa wajihi kara in ay xirto dowlada zimbabwe kadib markii lagu eedeyay in ay ka danbeeyeen rabshadihii ka dhacay magaalada Harare kadib doorashadii dhacday.


Tendai Biti, oo ah wasiirkii hore ee maaliyada iyo hogaamiyaha mucaaradka ah ee MDC Nelson Hamisa ayaa waxay sheegeen in laga diiday magan galyo ay weydiisteen dowlada dariska la ah ee Zambia.


Siyaasiyiintan ayaa waxaa loo heestaa in ay ka danbeeyeen rabshadihii ay dadka ku dhinteen.


Waxey sheegeen xubnahan in ay u dhowdahay in ay xirto dowlada maadama codsigoodii laga diiday.

Si kastaba ha ahaatee dowlada zimbabwe ayaa waxay sheegtay in ay talaabo ka qaadi doonto shaqsiyaadkii ka danbeeyay qalalaasihii lixda ruux ay ku dhinteen oo ka dhaacday magaalada harare kadib doorashadii uu guusha ka gaaray Xisbiga Zanu-PF.

Madaxweynaha la doortay ee Emerson Mnangawa ayaa la filayaa in dhowaan xilka loo dhaariyo.

Faallooyin