Haweemeydii ugu horeysay oo muslim ah oo ku guuleysatay kursiga Congraress ka mareykanka

Gabadha lagu magacaabo Rashida Tlaib ayaaa noqotay haweeneydii ugu horeysay oo muslim ah oo ku guuleysata kursiga aqalka Congareska mareykanka doorasho ka dhacday gobolkaMichigan.


Haweeneydaan oo 42 jir ah ayaa ah gabar uu dhalay nin soo galooti falastiin ah waxaana ay guul ka heshay codadkii laga tiriyay 13 degmo oo ku yaal gobolkaasi taasi oo macnaheedu uu yahay in 33.6 ay heshay codadkii la tiriyay.

Ninkii ay tartameen oo lagu magaacbo Brenda Jones ayaa helay 28.5 dhibcood halka Bill Wild uu soo hooyay 14.5 percent, sida laga soo xigtay Detroit Free Press.
Tlaib ayaa waxay xilkeeda uu u bilaaban doonaa bisha janaayo ee soo aadan waxaana ay heyn doontaa mudo laba sano ah.

Dalka Mareykanka ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa ku soo badanayay siyaasiyiinta muslimiinta ee xilalka qabanaya waxaana qaarkood ay sheegeen in sababta ay xilka u qabanayaan ay tahay sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen bulshada kale ee ku nool dalkaas.

Faallooyin